Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Dowladda Galmudug ayaa si rasmi ah uga soo xiray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug aqoon kororsi socday muddo labo maalmood ah, kaasoo lagu qabtay ujeeddooyin la xiriira kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha bahda caddaaladda.
Aqoon kororsigaan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno muhiim ah oo ka tirsan hay’adaha garsoorka, sida booliska, garsoorayaasha, xeer-ilaaliyayaasha, iyo qareennada Galmudug.
Liban Mohamed Abdi ayaa warkan soo jeedinaya.