Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Dhuusamarreeb ee Caasimadda Galmudug ka furay Shirweyne Dib u heshiisiin oo ay iskugu yimaadeen Beelo walaalo ah oo wadaaga deegaano ka tirsan Gobolka Galguduud.
Shirweynaha ayaa waxaa si gaar ah looga xaalay dhacdo horey uga dhacday Caasimadda Dhusamareeb iyo deegaanada hoos yimaada.
Shirweynaha waxaa goob joog ka ahaa, Waxgaradka, culimada, ganacsatada iyo ururada haweenka iyo dhalinyarada iyo waliba sidoo kale Xildhibaanada BFS, Wasiirada iyo Xildhibaanada Galmudug.
waxaa warkan soo jeedinaya.Liban Mohamed Abdi