Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiye ku-xigeenka Degmada, Eng. Maxamed Cabdi Cilmi, ayaa si rasmi ah u soo xiray tartanka Is-dhexgalka Nabadda ee Gobolka Mudug.
Tartankan oo muddo socday ayaa waxaa ka qeyb galay kooxo kala duwan oo ka kala socday deegaanada Galmudug iyo Puntland, isagoo ah mid kor u qaadaya xiriirka iyo wada-noolaanshaha bulshada Gobolka Mudug.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Dirie Ali.