Wasaaradda Amniga Galmudug oo Gaalkacyo ku qabatay tababar kusaabsan ka qaybgalka siyaasadaha Amniga.

0
7

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabatay tababar muhiim ah oo lagu xoojinayo wacyiga bulshada iyo ka qaybgalka siyaasadaha amniga. Tababarkan ayaa ujeedkiisu yahay in la kordhiyo fahamka bulshada ee ku aaddan arrimaha amniga, iyadoo la dhiirrigelinayo wada-shaqeynta ka dhexaysa shacabka iyo hay’adaha ammaanka.

Tababarka oo diiradda saaray sidii bulshada loogu baraarujin lahaa doorkooda ku aaddan sugidda nabadgelyada, ka hortagga falalka amni darrada ah, iyo ka qaybqaadashada samaynta siyaasado waxtar u leh amniga deegaanka.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here