Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo wada qorshe Tamarta cadceedda loogu xiriyo xarumaha caafimaadka.

0
53

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Dr. Abdiwali Mohamed Ahmed, ayaa ka hadlay qorshayaasha horumarineed ee wasaaraddu wado, isagoo sheegay in guulo la taaban karo laga gaaray dhanka adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka.

Dr. Abdiwali ayaa xusay in Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ay si buuxda ugu guuleysatay in illaa 29 xarumood oo caafimaad lagu xiro nidaamka koronto ee ku shaqeeya soolarka, si meesha looga saaro baahida koronto ee horay uga jirtay xarumahaas.

Wuxuu sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay qorshe lagu horumarinayo adeegyada caafimaad ee deegaannada Galmudug, si bulshada loogu helo adeeg caafimaad oo joogto ah.

Warkan waxaa faah faahinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here