Newcastle Oo War Weyn Kasoo Saartay Iibka Alexander Isak

0
7

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda Newcastle United ayaa ku adkaysanaysa in weeraryahankeeda Alexander Isak uusan iib ahayn, inkasta oo ay si dhab ah uga shaqeynayaan heshiis ay kula soo wareegayaan Benjamin Sesko, sida uu qoray wargeyska The Times.

Isak ayaa la sheegay inuu diiday dalab qandaraas kordhin ah oo ay Newcastle u soo bandhigtay, isagoo doonaya mushaar gaaraya £300,000 toddobaadkii.

Liverpool ayaa wali xiiso u qabta weeraryahanka reer Sweden, balse Newcastle ayaa si cad ugu sheegtay inaysan ogolaan doonin wax heshiis ah oo ku saabsan iibkiisa.

Isak lamuusan safrin laacibiinta kooxda ee tagay Singapore si ay ugu soo diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub, iyadoo lagu wargeliyay inuu dhaawac muruqa bowdada ah qabo, inkastoo baaritaannada caafimaad aysan wax dhaawac ah muujin.

Dhanka kale, Newcastle ayaa durba wada hadallo la billowday weeraryahanka RB Leipzig ee Benjamin Sesko, si uu u noqdo beddel suurtagal ah, hase yeeshee kooxda lagama filayo inay heshiis rasmi ah ka gudbiso ilaa xaaladda Isak si buuxda loo xalliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here