Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Galmudug, iyadoo kaashanaysa UNDP, ayaa degmada Cadaado ka daah-furtay tababar soconaya saddex maalmood.
Tababarkaan oo ay ka qeyb galayaan 35 xubnood oo ka kala yimid Cadaado iyo Baxdo, ayaa diiradda saaraya doorka culimada ee dhexdhexaadinta colaadaha iyo nabadaynta bulshada.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi.