Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Sheekh Axmed Nuur Sh. Yuusuf Sh. Ibraahim, oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliyeed, ayaa jeediyay baaq culus oo ku aaddan halista qabyaaladda iyo kala qoqobka bulshada, xilli uu ka hadlayay siyaarada sanadla ah ee lagu qabto deegaanka Huurshe.
Sheekha oo la hadlayay boqolaal qof oo ka qeyb galay munaasabadda siyaarada ayaa si adag uga digay in la raaco waddooyin horseedi kara nacayb, kala fogaansho, iyo burbur bulsho.
Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay deegaanka Galmudug oo uu sheegay in u baahan yahay midnimo iyo iskaashi dhab ah si looga gudbo caqabadaha jira.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor.