Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamullada degmooyinka Cadaado iyo Galinsoor ayaa si nabad ah ugu guuleystay joojinta shaqaaqo dhex martay xoolo-dhaqato kasoo jeeda labadaas deegaan.
Shaqaaqadan oo keentay cabsi iyo walaac bulsho ayaa waxaa si degdeg ah uga falceliyay waxgarad, odayaal dhaqameed iyo masuuliyiin deegaanka ah.
Dadaalkooda ayaa suurtageliyay in si nabad ah loo kala dhex galo dhinacyadii isku dhacay, lagana gaaro heshiis hordhac ah oo lagu joojiyay is-mari-waagii.
Warkaan waxaa soo jeedinaya:Abdifitah Mohamed Ahmed