Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka socday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Baraawe. Ujeeddada booqashadan ayaa ahayd in lagu dardar-geliyo horumarinta arrimaha bulshada ee degmada, gaar ahaan dhinacyada adeegyada caafimaadka, waxbarashada, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha. Masuuliyiinta ayaa kulamo la qaatay maamulka degmada iyo qeybaha bulshada si loo ogaado baahiyaha jira loona dejiyo qorshayaal lagu horumarinayo nolosha bulshada deegaanka.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdifitah Mohamed Ahmed