Aqoon-is-weydaarsi ku saabsan tayada gaadiidka dalka oo lagu qabtay Muqdisho.

0
42

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Hay’adda Taya-dhowrka Qaranka ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay aqoon-is-weydaarsi diiradda lagu saarayey tayada gaadiidka dalka, iyada oo la isla soo qaaday doorka ay leedahay ilaalinta badqabka shacabka iyo deegaanka.

Aqoon-is-weydaarsigan oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradaha kala duwan, laamaha ammaanka, ganacsatada gaadiidka iyo khubarada ku shaqada leh kormeerka tayada, ayaa lagu falanqeeyay sida loo hirgelin karo nidaam sugan oo lagu kala saaro gaadiidka tayadooda iyo heerka amnigooda.

Warkaan waxaa soo jeedinaya: Sacdiya Abdulkaadir yusuf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here