Maamulka Dhuusamareeb oo ka qayb galay dhagax dhigga Iskuulka deegaanka Bilcile hagoogan.

0
46

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiye Ku-xigeenka Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha, Mudane Cabdisamad Salaad Aadan, oo ay wehliyeen Agaasimaha Waxbarashada Caasimadda, Mudane Maxamuud Axmed Cali, Isku-xirka Mashruuca GPE ee Wasaaradda Waxbarashada, Mudane Mubarak Cilmi, iyo Madaxa Mashruuca GPE ee Hay’adda Save the Children, Mudane Cabdullaahi Qorane, ayaa maanta dhagax-dhigay dhisme cusub oo lagu ballaarinayo Dugsiga Hoose/Dhexe ee Bilcile Hagoogan, kaas oo ku yaalla deegaanka Bilcile kana mid ah deegaannada hoos yimaada Caasimadda Gamudug ee Dhuusamareeb.

Agaasimaha Waxbarashada Caasimadda, Mudane Maxamuud Axmed Cali, ayaa ka hadlay faa’iidada ballaarinta iskuulkan ay u leedahay deegaanka. Wuxuu xusay in dhagax-dhiggan uu qeyb ka yahay qorshaha ballaaran ee Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Galmudug ee ku aaddan horumarinta adeegyada waxbarasho, gaar ahaan meelaha ay ka jiraan duruufo adag.

Warkaan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here