Faahfaahin ka soo baxaysa diyaarad u socotay Hargeysa oo burburtay

0
9

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Lix qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaarad nooca fudud ah oo ay leedahay hay’ad samafal oo caafimaad ay ku burburtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, sida uu sheegay mas’uul hadlay.Hay’adda Amref Flying Doctors ayaa sheegtay in diyaaradda oo nooceedu ahaa Cessna ay ka kacday garoonka diyaaradaha ee Wilson galabnimadii Khamiista, ayadoo ku sii jeedday magaalada Hargeysa.

Diyaaradda ayaa burburka ka dib waxaa qabsaday dab, waxa ayna ku dul-dhacday dhismo ku xaafadda Githurai ee magaalada Nairobi.

Guddoomiyaha ismaamulka Kiambu Henry Wafula ayaa sheegay in afar qof oo diyaaradda la socday ay dhinteen, oo ay ku jiraan dhakhaatiir, kalkaaliyayaal iyo duuliyihii diyaarada.

Waxaa shilkan sidoo kale ku dhintay labo qof oo kale oo goobta ku sugnaa, halka labo kalena ay dhaawacyo halis ah soo gaareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here