Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug, Galja Maxamuud Cismaan Cabdulle (Berrey), ayaa sheegay in wariyeyaasha iyo warbaahinta deegaanada Galmudug mararka qaar ay la kulmaan culeysyo ku saabsan xorriyadda hadalka, kuwaas oo ka yimaada maamulka Galmudug.
Xoghaye Berrey ayaa ugu baaqay madaxda dowlad-goboleedka Galmudug inay ilaaliyaan xorriyadda hadalka, warbaahintana loo madax-baneeyo shaqadooda.
Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdullahi Abdulkadir Nor.