Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Waxbarashada ee Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigtay dhismaha iskuul cusub oo waxbarasho bilaash ah siin doona carruurta danyarta ah iyo kuwa naafada ah ee ku dhaqan magaalada Cadaado.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka kuxigeenka Waxbarashada Galmudug, mas’uuliyiin heer gobol iyo heer degmo ah, odayaal dhaqameed, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Iskuulkan cusub ayaa la filayaa inuu noqdo xarun waxbarasho oo casri ah, leh fasallo tayo sare leh, agab waxbarasho, iyo adeegyo gaar ah oo loogu talagalay carruurta baahiyaha gaarka ah qaba.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi.