Warbixin-Maalinta Dhaliyaradda Aduunka oo Maanta dunida laga Xusayo.

0
35

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maanta oo kale 12-ka Agoosto sanad walba waxaa dunida laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada, taas oo loogu talagalay in lagu xuso kaalinta dhallinyaradu ku leeyihiin horumarka bulshada iyo in la xoojiyo dadaallada lagu abuurayo fursado horumarineed.

Xuska maalintan waxaa markii ugu horreysay la sameeyay sanadkii 2000, kadib markii Qaramada Midoobay ay si rasmi ah u aqoonsatay in dhallinyaradu yihiin laf-dhabarta nabadda, horumarka iyo isbeddelka bulshada.

Sannad walba waxaa loo doortaa mowduuc gaar ah oo lagu dhiirrigeliyo ka-qaybgalka dhallinyarada. Sanadkan, mowduuca waa: “Dhallinyarada iyo Xalinta Isbeddelka Cimilada”, taas oo ka tarjumaysa baahida loo qabo in dhalinyaradu door muuqda ka qaataan ilaalinta deegaanka iyo la tacaalidda caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada.

Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdullahi Abdulkadir Nor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here