Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Tababaraha PSG, Luis Enrique, ayaa go’aan weyn ka gaaray Gianluigi Donnarumma ka hor kulanka UEFA Super Cup.
Kooxda ku guuleysatay Champions League xilli ciyaareedkii hore ee PSG ayaa Arbacada la ciyaaraysa Tottenham, kuwaas oo garaacay Manchester United finalkii Europa League. Enrique ayaa ka saaray Donnarumma liiska ciyaartoyda PSG ee kulanka ka dhacaya Talyaaniga.
Sida uu sheegay wariyaha suuqa kala iibsiga, Fabrizio Romano, heshiis cusub kama dhex socdo PSG iyo Donnarumma, waxaana la xaqiijiyay inuu 100% ka tagi doono kooxda, ha noqoto xagaagan ama marka uu xor ka noqonayo 2026. Wakiillada Donnarumma ayaa aaminsan in dhibaatada lagu hayo xiddiga ay tahay “mid aan cadaalad ahayn.”
Romano ayaa sidoo kale sheegay in xiriirka u dhexeeya Donnarumma iyo kooxda uu gebi ahaan burburay ka dib markii la go’aamiyay in laga reebo UEFA Super Cup. Waxaa la fahamsan yahay in Premier League ay tahay meesha ugu dhow ee uu ku biiri karo.
Tani waxay la jaanqaadaysaa wararkii hore ee sheegayay in Manchester United iyo Chelsea ay dalabyo hordhac ah ka gudbiyeen, inkastoo aan weli la soo bandhigin dalab rasmi ah.
Maadaama Lucas Chevalier uu PSG kaga soo biiray Lille aduun dhan €55 milyan si uu u noqdo goolhayaha koowaad, waxay u muuqataa in bixitaanka Donnarumma xagaagan uu aad u macquul yahay.