Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray afar waddo oo laami ah.

0
38

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarigga ka jaray afar waddo oo laami ah, kuwaas oo laga hirgeliyay waaxda Oktoobar ee Degmada Hodan, iyadoona dhismaha waddooyinkaan ay iska kaashadeen Bulshada, Maamulka Degmada iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka ay kaalin wayn ka qaadanayaan, horumarka caasimadda, waxa uuna sheegay in ay socdaan qorshayaal kale oo lagu dhisaayo waddooyin muhiim ah iyo furista waddooyinka xirn ee Magaalada Muqdisho kuwooda aan culeesyada amni ka jirin si loo fududeeyo isku socodka bulshada.

Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdifitah Mohamed Ahmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here