Maamulka degmada Balanballe oo dhagax-dhigay iskuul Laga hirgaliyeey Degmadaaas

0
30

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Balanballe, oo uu hoggaaminayo madaxa waxbarashada degmada, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha iskuulka hoose-dhexe ee Iimaamu Shaafici oo laga hirgelinayo gudaha degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka degmada, macallimiin, waalidiin, arday, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo muujiyay farxadda iyo taageerada ay u qabaan hirgelinta mashruucan waxbarasho.

Warkan waxaa soo jeedineysa:Sadio Abdulakdir Yusuf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here