Dhuusamareeb(Idaacadda Daar-Dheer)Raysul wasaaraha DFS Xamze Abdi Barre oo kulan la qaadanayay Qaar kamid culimada soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay Xukuumadda uu soo dhisi doono iyo sababaha keenay in uu dib uga dhaco waqtigii loogu tala-galay.
Waxa uu sheegay Raysal wasaaruhu in ay doonayaan soo dhisidda Xukuumad heshiis lagu yahay si ay dalka uga hirgasho Dowlad uu shacabka soomaaliyeed ku kalsoonaan karo.
Dhanka kale Raysul wasaaraha ayaa sheegay in uu doonayo in Xukuumadda uu soo dhisayo ay saamayn
ku yeelato nolosha guud ahaan shacabka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa noloshooda gaarka ah iska wata si loo dareensiiyo in Dowlad la’aan aysan waxba qabsan Karin.
Raysul wasaare Xamse Cabdi Barre oo magacaaban muddo bil ah ayaa wali laga sugayaa soo dhisidda Xukuumad cusub oo dalkan ka hirgasha.
Waxaa Warbixintaan inoo soo jeedinaya Ruun Maxamud Cusman.