Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka magalaada Dhuusamareb ayaa qalab loogu talagalay in lagu diiwaangeliyo carruurta ku dhalata isbitaallada ku wareejiyay xarumaha caafimaadka magaalada Dhuusamareeb.
Agabkan oo sidoo kale lagu Diiwaangelinayo dhacdooyinka la xiriira dhalashada, dhimashada, guurka iyo furriinka ayaa Goobaha la geeyay waxaa ka mid ah isbitalka guud ee Gobolka Galgaduud, iyo xarumaha kale.
Warkan waxaa soo jeedineysa: Xamdi Diriye Cali