Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Iyadoo ay jiraan cabashooyin badan oo ka imaanaya dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku saabsan shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta guud ahaan dalka, ayaa haddana waxaa muuqata in dhalinyaro badan ay bilaabeen inay ka fekeraan sidii ay si iskood ah uga abuuri lahaayeen fursado shaqo.
Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, bilihii u dambeeyay waxaa si isa soo taraysa u kordhaya dhalinyarada ka ganacsanaya cabbitaannada laga sameeyo miraha dalka, kuwaas oo ay ku iibiyaan miisas ay dhigteen hareeraha waddooyinka waaweyn ee magaalada.
Dhalinyaradan oo badankood aan haysan wax maalgelin ah oo rasmi ah, ayaa si hal-abuur leh u bilaabay ganacsiyo yaryar oo ku saleysan iibinta cabbitaanno dabiici ah sida kuwa laga sameeyo cambe, babaay, liin iyo muus.
Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdullahi Abdulkadir Nor.