Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay xarun caafimaad oo loogu talagalay in lagu daaweeyo xoolaha, taas oo laga hirgelinayo deegaanka Faragooy ee hoos taga magaalada Dhuusamareeb ee casimada galmudug.
Xaruntan caafimaad ayaa lagu wadaa in ay qeyb weyn ka qaadato kor u qaadista adeegyada xanaanada xoolaha iyo daryeelka caafimaad ee xoolaha, kuwaas oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha bulshada ku nool deegaanka iyo guud ahaan gobolka.
Waxaa soo jeedineysa: Sacdiya Abdulkaadir yusuf