Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed, ayaa u dammaanad qaaday ardayda kaalmaha 1aad, 2aad, iyo 3aad ka galay Imtixaanka Fasalka Sideedaad ee sanad-dugsiyeedka 2024–2025 deeq waxbarasho oo dhameystiran. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhiirrigelinayo waxbarashada gabdhaha iyo kor u qaadida fursadaha aqooneed ee dhallinyarada Gobolka Banaadir.
Waxaa soo jeedineysa: Abdifitah Mohamed