Arsenal Oo Palace Ka Iibineysa Daafac Muhiim Ah Kadib Saxiixa Eberechi Eze

0
9

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay ciyaaryahan u dirto Crystal Palace si heshiiska ay kula wareegayaan Eberechi Eze u fududaado.

Eze, 27 jir ah, ayaa si weyn loola xiriiriyay Tottenham Hotspur toddobaadyadii u dambeeyay, balse hadda waxa uu u muuqdaa inuu ku biirayo Gunners. Wararka ka imanaya The Athletic ee uu qoray David Ornstein ayaa sheegaya in labada dhinac ay ku heshiiyeen heshiis ku dhow £68 milyan.

Eze oo ah xiddig heer caalami ah u ciyaara England, ayaa hore u sheegay inuu yaraantiisii taageeri jiray Arsenal, isla markaana uu jeclaa inuu daawado Thierry Henry, taas oo sababtay inuu mar walba ku hamiyo inuu u ciyaaro kooxda.

Heshiiskan haddii uu dhammaado, Eze waxa uu noqon doonaa ciyaaryahanka toddobaad ee Arsenal ay la soo wareegto xagaagan, iyadoo ay hore u soo qaateen Kepa Arrizabalaga, Cristhian Mosquera, Martin Zubimendi, Christian Norgaard, Noni Madueke iyo Viktor Gyökeres.

Si kastaba ha ahaatee, wararka ka imanaya Independent ayaa sheegaya in Arsenal ay diyaar u tahay inay Jakub Kiwior u dirto Palace si uu ugu fududaado heshiiska Eze. kooxda Oliver Glasner ayaa baahi weyn u qabta daafac cusub,maadaama kabtankooda Marc Guehi ku biirayo Liverpool xagaagan.

Dhinaca kale, Porto ayaa xiiso u qabta 25-jirka reer Poland, balse mushaharkiisa toddobaadlaha ah ee £58,000 ayaa caqabad ku noqon kara heshiis kasta. Waxaa sidoo kale xiiseynaya Everton, Wolves iyo AC Milan.

Waxaa la sheegay in tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, uu u arko Kiwior ciyaaryahan kayd muhiim ah, iyadoo go’aanka ugu dambeeya ku xirnaan doono haddii xiddiga laftiisu doonayo inuu baxo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here