Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay bandhigga buugga Dowlad-dhiska, oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Munaasabaddan ayaa ahayd mid lagu soo bandhigayay aragtiyo iyo fikrado la xiriira dhismaha dowladnimada Soomaaliya.
Waxaa ka mid ahaa masuuliyiintii kasoo qeyb galay Wasiirka Waxbarashada, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Caddaaladda, Xasan Macallin.
Masuuliyiintan ayaa tilmaamay muhiimadda buuggan uu u leeyahay bulshada iyo in uu qeyb ka noqon doono fahamka dhismaha dowladnimada.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor