Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Shir looga hadlayay kordhinta kaalinta dumarka ee shaqaalaha dowladda ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Shirkaan ayaa waxa soo qabanqaabisay Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Galmudug.
Shirka waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Galmudug oo iskugu jirah wasiiro, Xildhibaano, Agaasimayaal, masuuliyiin kale iyo marti sharaf lagu casuumay Shirka ayaa waxa looga hadalay caqabadaha heysta haweenka iyo sidii loo xoojin kordhinta kaalinta dumarka ee shaqaalaha dowladda.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali