Ardayda Sanadkan ka Qalin Jabisay Dugsiyada Sare ee Galmudug oo loogu Baaqay Barashada Culuumta Dhaqaalaha.

0
43

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Sanad dugsiyeedkan 2024/2025, arday badan oo ka baxay dugsiyada sare ee Galmudug ayaa loogu baaqay in ay mudnaan siiyaan barashada culuumta dhaqaalaha iyo maareynta, si ay qeyb weyn uga qaataan horumarinta dhaqaalaha gobolka iyo dalka intiisa kale.

Muxaadin Hashi Axmed, oo ka mid ah ardayda qalin jabisay, ayaa sheegay in uu doortay in uu barto kuliyadda ganacsiga, isaga oo tilmaamay in ujeeddadiisu tahay in uu ka qeyb qaato kobcinta fursadaha shaqo iyo horumarinta ganacsiyada maxalliga ah.

Dhankiisa, Cabdi Risaaq Kadiye oo ah Maamule ku-xigeenka Jaamacadda Samavil, ayaa ugu baaqay ardayda qalin jabisa in aysan ku ekaan barashada culuumta dhaqanka iyo culuumta guud, balse ay xoogga saaraan barashada culuumta dhaqaalaha, ganacsiga iyo maamulka.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here