Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka Dawladda Hoose ee Caabudwaaq ayaa qabatay kulan diiradda lagu saarayay sidii loo kordhin lahaa isdiiwaangelinta ardayda dugsiyada degmada.
Kulankaan waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin dowladda hoose, Maamulayaasha schoolada, macallimiinta dagmada, gudiyada waalidiinta, dhalinyarada Haweenka, Aqoonyahanka dagmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in bulshada lagu baraarujiyo muhiimadda waxbarashada carruurta, lana isla falanqeeyo caqabadaha keena hoos u dhaca ka-qaybgalka ardayda dugsiyada.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Dirie Ali.