Guddiga Doorashooyinka, oo faahfaahiyey dib u-furista diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo isdiiwaangelinta gobollada ka socda

0
40

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi, ku simaha Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa faahfaahin ka bixiyay dib u-furista diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo is-diiwaangelinta ka socota gobollada dalka. Wuxuu sheegay in tallaabadani ay qeyb ka tahay dardar-gelinta howlaha doorashooyinka, isla markaana loogu talagalay in dhammaan ururrada iyo shacabka gobolladu ay helaan fursad siman oo ay ku qabsadaan xuquuqdooda siyaasadeed.

Waxaa soo jeedineya: Abdifitah Mohamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here