Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo la kulmaya Madaxweynaha Dalka Masar.

0
43

Dhuusamareeb(Idaacadda Daar-Dheer)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku gudajira booqashadiisa rasmiga ah ee uu ku joogo dalka Masar, ayaa waxaa uu booqday xarunta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas.
Safiir ka dalka Masar ahna Wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar ayaa ku soo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Safaarada, halkaas oo uu warbixinno kagadhageystay diblomaasiyiinta iyo howlwadeennada Safaaradda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dadaallada Dowladda ee ku aaddan dib uhabaynta iyo horumarinta hanaanka diblumaasiyadeed ee dalka iyo xaqiijinta matalaad dibadeed oo ku saleysan in la hagaajiyo xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Caalamka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Masar waxa uu kulan laqaadan doonaa Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd, iyagoo ka arrinsanaya qorsheyaasha heer Carbeed ee midnimada iyo wax-wada qabsiga dalalka ku mideysan
Jaamacadda Carabta oo Dowladda Soomaaliya ay ka tahay xubin muhiim ah.
Madaxweynaha ayaa horay ula kulmay Madaxweynihii 5aad ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Waxaa Warbixintaan inoo soo jeedinaya Abdidahir Garad Ali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here