Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Munaasabaddan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkana lagu soo bandhigayay wax soo saarka beeraleyda magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiru dowlaha Wasaaradda beeraha XFS Asad Cabdirisaaq Maxamed, wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha Hirshabeelle Bashiir Qaasim Daqare iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Weheliye.
Waxaa sidoo kale munaasabaddan ku sugnaa xubno ka socda hay’addaha tageerayay beeraleydan maanta soo bandhigay wax soo saarkooda kuwaaso ay ka mid yihiin midowga Yurub oo maalgaliyay mashruucan, halka hay’addaha IRC Samsam Foundation oo bahwadaag ah ay fuliyeen mashruucan, xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada booliska iyo marti sharaf kale.
Waxaa soo jeedineysa: .Abdifitah Mohamed