Masuuliyiin katirsan Galmudug oo kor meer dhanka waxbarashada ah kutagay deegaanka haad-fuul ee Gobolka Galgaduud.

0
45

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Galmudug iyo qaar kamid wax garadka deegaanka ayaa kormeer dhanka waxbarashada ah ku tagay deegaanka Haad-Fuul ee Gobolka Galgaduud, iyagoo halkaasi kulan kula qaatay maamulka dugsiyada, macallimiinta iyo qaybaha bulshada deegaanka.

Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd mid lagu qiimeynayo xaaladda guud ee goobaha waxbarasho, baahiyaha agabka waxbarasho, iyo caqabadaha ka haysta carruurta deegaanka iyo helitaanka fursado waxbarasho oo tayo leh.

Bulshada deegaanka ayaa soo dhaweeyay booqashada, iyagoo dalbaday in la dardar-geliyo adeegyada waxbarasho ee deegaanka, lagana jawaabo baahiyaha deg degga ee dhanka waxbarashada gaar mida maadiga ah.

Waxaa soo jeedineya: Liban Mohamed Abdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here