Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid ayaa xilalka u kala wareejiyay wasiirkii hore ee Wasaaradda beeraha iyo waraabka ee Galmudug Ahmednur cismaan iyo Wasiirka Cusub ee Wasaaradda beeraha iyo waraabka Galmudug Xirsi yuusuf bare.
Munaasabada Xilwareejinta oo ka dhacday Gudaha Wasaaradda beeraha ayaa waxaa kasoo qaybgalay xildhibaano katirsan FDS, Wasiiro,iyo Agaasimayaal Katirsan Galmudug.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi