Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa ka qayb galay munaasabad si rasmi ah loogu kala wareejinayey xilka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug.
Munaasabadda ayaa lagu qabtay xarunta wasaaradda, waxaana goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee maamulka, shaqaalaha wasaaradda, iyo marti-sharaf kale.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sadio Abdulkadir Yusuf