Munaasabad ay ku qalin jabinayeen ardey baratay Qur’aanka oo lagu qabtay Caabudwaaq.

0
34

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Caabudwaaq ayaa lagu qabtay munaasabad ay ku qalin jabiyeen,
arday dhammeystay barashada Qur’aanka Kariimka ah. Munaasabadda oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa ka qaybgalay waalidiin, culumaa’udiin, macallimiin iyo marti sharaf kale.

Intii ay socotay xafladda waxaa ardayda lagu bogaadiyey dadaalka iyo waqtiga ay geliyeen barashada Kitaabka Alle, iyadoo sidoo kale la xusay kaalinta weyn ee macallimiinta iyo waalidiinta ku lahaayeen guushooda.

Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sadio Abdulkadir Yusuf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here