Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Shirka golaha culimada Maamulka KGS oo lagu qabtay magaalada Baydhabo waxaa soo qaban qaabiyay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta maamulka Koofurgalbeed Soomaaliya waxaana ka qayb-galay masuuliyiin uu kamid yahay wasiirka wasaaradda, wasiiroo kale iyo qaybo kamid ah culimada Koofurgalbeed.
Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa isku xirka iyo wada shaqaynta hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha diinta ee ka howlagala deegaannada maamulkaas.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali