Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Ceel barde kusoo xirtay Tababar ku saabsan Daryeelka iyo Caafimaad Xoolaha islamarkaana loo qabtay dhaqaatiirta ka shaqeeya Horumarinta Caafimaadka Xoolaha.
Munaasabada lagu soo xirayay Tababarka ayaa waxaa ka qeybgalay Isuduwaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha Degmada Ceel barde, Xoolo dhaqato , Dhaqaatiir iyo Marti Sharaf kale.
Warkan waxaa faah faahinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf