Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa si cad u sheegay in wasaaraddu ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay iibinta ama faafinta maandooriyaha dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in maandooriyuhu uu si weyn u saameynayo caafimaadka bulshada, gaar ahaan dhalinyarada, isagoo tilmaamay in arrintan ay qayb ka tahay dhibaatooyinka caafimaad iyo amni ee dalka ka jira.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor