Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa xaqiijiyay inuusan qorshe u lahayn inuu dib ugu soo daro kooxda Raheem Sterling iyo Axel Disasi, kadib markii ay ku fashilmeen inay kooxda ka tagaan xagaagan suuqa kala iibsiga.
“Iyaga waa ciyaartoy Chelsea ah, heshiisyo ayay kula jiraan naadiga, balse waqtigan waxay weli ku tababaranayaan meel gooni ah. Tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkan ma aanan arkin,” ayuu Maresca u sheegay saxaafadda.
Markii la weydiiyay haddii ay mustaqbal ku yeelan karaan kooxda, waxa uu si toos ah ugu jawaabay: “Maya.”
Sterling ayaa weli labo sano uga hadhay qandaraaskiisa Stamford Bridge, halka Disasi uu afar sano ku leeyahay heshiiskiisa.