Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaaradda kaluumeysiga iyo kheyraadka badda Galmudug Mohamed Hassan Ahmed ayaa bulshada ku dhiirrigeliyay in ay si hufan uga faa’iideystaan kheyraadka badda ee ku aasan xeebaha gobolka. Waxa uu sheegay in badda Galmudug ay hodan ku tahay noocyo kala duwan oo kalluun iyo khayraad dabiici ah, kuwaas oo haddii si wanaagsan loo maareeyo wax weyn ka tari kara horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Dirie Ali