Wado loogu talagalay fududaynta dhoofinta dalag-yada beeraha oo Laga dhagax dhigay Gaalkacyo.

0
10

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Galmudug, oo kaashanaya Bangiga Adduunka, ayaa si rasmi ah uga dhagax dhigay magaalada Galkacyo waddo cusub oo muhiim ah. Waddadan ayaa loogu talagalay in ay si weyn u fududeyso dhoofinta qudaarta iyo dalagyada kale ee ay soo saaraan beeraleyda gobolka Mudug.

Mashruucan oo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadista wax soo saarka gudaha ayaa la filayaa inuu si toos ah u taageero beeraleyda deegaanka, isaga oo meesha ka saaraya caqabadaha dhanka gaadiidka iyo suuq-geynta dalagyadooda.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here