Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa kormeer dhiirigelin ah ku tagay xerada Ciidanka Asluubta Galmudug iyo Xabsiga Dhexe ee magaalada Gaalkacyo.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo tayada shaqada ciidamada iyo maamulka xabsiyada, iyadoo Wasiirku kula dardaarmay saraakiisha iyo ciidamada in ay sii laba-laabaan waajibaadkooda shaqo si loo xaqiijiyo amniga iyo adkeynta sharciga.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Sadio Abdulkadir Yusuf