Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waxaa magaalada Muqdisho laga daahfuray shirkan oo diiradda lagu saarayo fursadaha maaliyadeed ee lagu xakamayn karo khataraha ka dhasha isbedelka cimilada.
Aqoon iswaydaarsigan oo socon doona muddo labo maalmood ah waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda maaliyadda DFS oo kaashnaysa hay’adda Global Sheild waxaana ka soo qayb-galay wasiirro ka tirsan DFS, xildhibaanno, Khubarro ku taqasusay isbedelka Cimilada iyo xubno ka socday beesha Caalamka.
Inta uu socday shirkan waxaa lagu lafa-guray fursadaha maaliyadeed ee la heli karo si waxa looga qabto saamaynta xooggan ee ka dhalatay isbeddelka cimilada.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidaahir Garaad Ali