Dhalinyaradda Ciyaaraha degmada Balanballe oo codsaday in Laga qeebqaato dhamestirka garoonka ciyaaraha degmadaas.

0
4

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Dhalinyarada ciyaaraha ee degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa codsi u jeediyay masuuliyiinta maamulka iyo hay’adaha taageera ciyaaraha, iyagoo dalbanaya in si buuxda loo dhamaystiro garoonka weyn ee degmada.

Waxay sheegeen in garoonkani uu muhiimad weyn u leeyahay horumarinta ciyaaraha iyo dhalinyarada, isla markaana uu noqon karo meel lagu kobciyo kartida iyo xirfadda ciyaartooyda deegaanka.

Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sadio Abdulkadir Yusuf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here