Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Degmada Cadaado oo uu wehliyo Xoghayaha Dowlada hoose degmada cadaado ayaa xarunta dowlada hoose kusoo dhaweeyey wafdi balaaran oo uu hugaaminaayo wasiirka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Galmudug waxaana wasiirka safarkiisa ku wehliyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Galmudug ) wasiir ku-xigeenka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Galmudug, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Galmudug.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Galmudug Ayaa Gudomiyaha degmada Cadaado uga mahadceliyey soo dhaweenta wanaagsan ee wafdigiisa u sameeyey, wuxuuna ku wareejiyey 500 oo Geed Taasoo loogu tala galay Ka hortaga Xaalufinta iyo Nabaad guurka Dhirta, sido kale wasiirka ayaa sheegay inay mudada ay joogan magaalada cadaado ay shaqooyin badan ka qaban doonaan.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi.


