Guddiga Sharciyada Kubadda Cagta oo Wado Sharci Cusub oo Dhaawacaya Kooxaha Yaryar

0
5

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Warbixin kasoo baxday warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegaysa in Guddiga Caalamiga ah ee Sharciyada Kubadda Cagta (IFAB), oo ah hay’adda mas’uulka ka ah sharciyada ciyaarta iyo wax-ka-beddelkeeda, ay ka fiirsanayso in la sameeyo isbeddello cusub oo lagu soo kordhinayo sharciga ciyaarta.

Sida uu qoray wargeyska The Independent, guddigu wuxuu tixgelinayaa in la sameeyo waqti xaddidan oo lagu fuliyo gacan ku laadyada iyo koornayaasha, si la mid ah sida hadda sharciyada loogu xaddidayo gool-kick-yada.

Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay la dagaallanka luminta waqtiga, kor u qaadista waqtiga dhabta ah ee la ciyaarayo, iyo dardar-gelinta ciyaaraha, si loo ilaaliyo xamaasadda iyo weerarka ciyaarta.

Qorshayaashan cusub ayaa la filayaa in si qoto dheer looga doodo shirarka soo socda ee guddiga, iyadoo ay suuragal tahay in si tijaabo ah loogu adeegsado tartamo gaar ah ka hor inta aan si rasmi ah loo ansixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here