Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Deeq raashin ah ayaa loo qeybinay qoysas danyar ah oo ku nool duleedka degmada Kismaayo.
Qoysaska ka faa’iideystay gargaarkan waxay gaarayaan ilaa 2,600 oo qoys oo barakacayaal ah.
Deeqdan raashinka ah waxay ka koobneyd: bariis, bur, sonkor, iyo saliid.
Qoysaska ka faa’iideystay waxay isugu jireen barakacayaal iyo danyar deegaanka ah.
Warkan waxaa soo jeedineysa: Sadio Abdulkadir Yusuf