Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda waxaa markii ugu horreysay Qaramada Midoobay u asteeyeen sanadkii 1981, si loogu wacyigeliyo bulshada caalamka qiimaha nabaddu leedahay iyo muhiimadda ay leedahay joojinta colaadaha.
Sanadkii 2001, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu go’aamiyey in 21-ka Sebtember laga dhigo maalinta rasmiga ah ee sannadlaha ah ee loo dabaaldego Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda.
Maalintan waxay ujeedadeedu tahay in lagu xoojiyo qiyamka nabadda, wada noolaanshaha, iyo iskaashiga caalamiga ah.
Waxa ay sidoo kale fursad siisaa bulshooyinka iyo dowladaha in ay dib u milicsadaan doorka ay nabaddu ku leedahay horumarka iyo nolosha bani’aadamka.
Warbixintaan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Dirie Ali