Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa si rasmi ah magaalada Dhuusamareeb uga daahfuray Qorshaha Isbeddelka Galmudug ee 2026–2030.
Qorshahan ayaa ah mid loogu talagalay in lagu higsado horumar waara oo ku saleysan dhinacyada kala duwan ee nolosha bulshada, sida amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, iyo dhismaha kaabeyaasha muhiimka u ah shacabka Galmudug.
Warkan waxaa soo jeedineysa: Sadio Abdulkadir